Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Dhalinyaro kufsi iyo dil isugu daray haweeney xaamilo aheyd oo Garowe lagu xiray

Ciidanka Ammaanka Maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay Koox dhalinyaro ah oo kufsi ka geystay Magaalada Garoowe.

Raggan la soo xiray ayaa lagu eedeeyay inay kufsadeen Haweenay Uur leh ka dibna ay dileen, waxaana dhacdadaan ay dareen caro leh ku kicisay shacabka ku nool Magaalada Garowe oo si weyn uga argagaxay.

Saacaddaha soo socda ayaa lagu waddaa in raggaan ay soo bandhiggaan Ciidanka Maamulka Puntland sida ay sheegeen masuuliyiinta Magaalada.

Kufsiga ayaa bilihii ugu dambeeyay ku soo kordhay Magaalooyinka maamulka Puntland waxaana ay arimahan cabsi iyo argagax ku abuureen haweenka ku nool degaanadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaano soo jeediyey in Maamulka Somaliland lagu daro liiska argagaxisada

Caydiid Ali

Saciid Ciise: “Dowladu waa iney bedeshaa siyaasada Maamulka dhulalka danta guud”

Caydiid Ali

Madaxweyne Cirro oo kulan muhiim ah Imaaraadka kula qaatay Sultan Al Mansoori

Cabdi Cade
Taboola Ads ---