Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal khasaare geystay oo caawa ka dhacay duleedka Jowhar & Wararkii ugu dambeeyey

Dagaal muddo kooban socday ayaa caawa fiidkii ka dhacay duleedka Magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe kaasoo dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Warka ayaa intaas ku daraya in dagaalkan oo ka dhacay Xaafada Xaanshooley uu bilowday ka dib markii ay kala shakiyeen ciidamo Milateri ah oo ku sii jeeday Garoonka dayuuradaha Jowhar iyo ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano (Bancraft).

Ugu yaraan labo askari oo ka tirsan ciidamada dagaalamay ayaa ku naf waayey dagaalkan oo intii uu socday rasaas culus la isku weydaarsaday, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay askar kale.

Dagaalkan oo ahaa mid lama filaan ah ayaa joogsaday ka dib xiriir dhexmaray saraakiisha kala hogaamineysay ciidamada dagaalamay, mana jiro war ku saabsan iska horimaadkan oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada iyo Maamulka gobolka Sh/dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Falastiini hubeysan oo dad Yuhuud ku dilay Daanta Galbeed iyo xiisad ka dhalatay

Caydiid Ali

Daawo:Hadal haynta Ugu badan oo noqotay Weerarkii Xasan Shiikh ku Qaaday Farmaajo shaaciyayne….

Cabdi Cade

Danjire Cyprian Iringo oo dowladiisu u soo magacawday Soomaaliya (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---