Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo Isbuuc kadib dib u bilaabay duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab

Dowlada Mareykanka ayaa dib usoo celisay duqeymaha ay diyaaradahoda aan duuliyaha laheyn ka fuliyaan gudaha Soomaaliya gaar ahaan deegaanada ay maamulaan dagaalyahanada Al Shabaab.

War kasoo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in diyaaradahooda dagaalka talaaadii duqeyn ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhaxe , waxa ayna sheegeen in duqeyntaasi lala helay bartilmaameedkii lala rabay.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntaasi lagu dilay xubin katirsan Al Shabaab, waxaa sidoo kale warka kasoo baxay Mareykanka lagu sheegay in wax khasaaro ah uusan duqentaasi kasoo gaarin dadka shacabka ah.

Duqeymihii Mareykanka ka fulinayay Soomaaliya ayaa la hakiyay mudo isbuuc ah kadib markii warbixin ay soo saartay Hey’adda Xuquuqul Insaanka ee Amnesty International ku shaacisay in duqeymaha Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya ay ku dhinteen dad rayid

Related posts

Madaxweyne Mustafa Cagjar oo xaalada ku xun tahay iyo Shir xasaasi oo maanta …

Cabdi Cade

Lisa Filipetto oo booqasho Sagootin ah ugu tagtay Ra’isul Wasaare Xamse Barre (Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhibaanada BF oo xaflad mahad celin ah loogu sameeyey Tiyaatarka Qaranka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---