Allbanaadir.com
NEWS

Aktarka caanka ah ee Sanjay Dutt oo ay qabsatay dhacdo si weyn looga hadal hayo caalamka

Xiddiga caanka ah ee aflaamka Bollywood-ka ee dalka Hindiya Sanjay Dutt ayaa waxaa la soo deristay dhacdo lama filaan ah oo dad badanka yaabisay ka din markii lacag iyo hanti kale ay dhaxal ahaan uga tagtay haweenay taageere u ahayd oo geeriyootay.

Sanjay Dutt ayaa sheegay ininkastoo uu ka mahadcelinayo ficilka haweenaydan, haddana uusan aqbali karin inuu qaato hantidaas oo cadadeeda la sheegin maadaamaa uusan la kulmin waligiis, isla markaasna uusan aqoon u lahayn.

Bishii hore bankiga ayaa atooraha u sheegay in haweenay lagu magacaabo Nishi Harishchandra Tripathi oo 62 jir, taasoo dhimatay bishii Janaayo ee sanadkan inay magaciisa ku qortay lacag iyo hanti kale oo ay iyadu lahayd oo Bankigaas tiilay.

Sanjay Dutt ayaa ka mid ah jilayaasha ugu caansan ee Hindiya, isla markaasna haysta lacag badan Waxaana uu sheegay inuu banKiga kala shaqayn doono habraaca sharciyeed ee lacagta loogu wareejin lahaa qoyska haweenaydan oo ka kooban labo carruur ah iyo hooyadeed, kuwaasoo degan magaalada Mumbai.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaano go’aan adag ka soo saaray dhismaha Golaha Deegaanka Hirshabelle (Akhriso)

Cabdi Cade

Dowlada federaalka oo duulaan ku ah Kismaayo iyo baaq loo diray beesha Caalamka (Akhriso)

Cabdi Cade

Kheyre oo dib u dhigay Safar uu beri ku tagi lahaa Kismaayo iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---