Allbanaadir.com
NEWS

Jaamacada Carabta: Dowlada federaalka ayaa ka Masuul ah Xuduudaha Cirka, Dhulka & Badda Somalia (Akhriso)

Ururka Jaamacada Carabta ayaa ka jawaabay qoraal ashtako ah oo ay u gudbisay dowlada federaalka Somalia kaasoo ku saabsanaa heshiiskii muranka badan dhaliyey ee lagu qeybsaday saamiga dekeda Berbera.

Dowlada federaalka ayaa heshiiskaas ku tilmaantay mid sharci daro ah oo ku xad gudbaya madax banaanida iyo Qaranimada Somalia.

Bayaan ka soo baxay Jaamacada Carabta oo ka koobnaa afar qodob ayaa waxaa ugu horeyn lagu soo dhoweeyay Wadahadalkii kal hore u bilowday dowladda Somalia iyo Maamulka Somaliland, waxayna ku boorisay labada dhinac iney sii wadaan six al looga gaaro arrimaha masiiriga ah ee ka dhexeeya.

Jaamacada Carabta ayaa bayaanka ay soo saartay ku sheegtay iney taageersan tahay howlgalada ay Somalia ka wadaan ciidamada Midowga Afrika ee dowlada federaalka ka taageeraya dhinaca soo celinta nabada & xasiloonida Somalia.

“Xuduudaha Dhulka, cirka iyo badda Somalia waxaa ka masuul ah dowlada federaalka, Ururka Jaamacada Carabtuna wuxuu ka digaya in fara gelin lagu sameeyo arrimaha Somalia nooc kasta oo ay tahay” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Jaamacadda Carabta.

Sidoo kale Ururka Jaamacada Carabta ayaa sheegay inuu sii wadayo taageerada uu siiyo heyadaha dastruuriga ah ee Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Nabadgelyada iyo dib u dhiska dalka.

Hoos ka akhriso Bayaanka soo saartay Jaamacada Carabta oo luuqada Carabiga ku qoran:

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Turkiga oo mowqif adag ka istaagay xad gudubka Itoobiya kula kacday Somalia

Caydiid Ali

Duqeyn lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacday Sh/hoose

Caydiid Ali

Qaraxyada inta aysan dhicin waa la sii ogyahay balse dadka lalama wadaago!!

admin
Taboola Ads ---