Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka Amniga oo soo qabtay, Miinooyin, Bastoolado & Bambooyin (Daawo Sawirro)

Ciidanka Amniga ayaa howlgal ay ka fuliyeen degaanka Ceelasha Biyaha  ku soo qabtay caawa nin ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, NISA ayaa sheegtay in sidoo kale ay ka soo qabteen ninkan hoygiisa walxaha qarxa kuwaasoo kala ah 10 Miinada gawaarida lagu dhajiyo, 10 Mobile oo qaraxyo lagu fulin rabay, 8 Bam gacmeed nooca loo yaqaano F1 iyo bastoolado.

”Ciidanka Amniga ayaa howlgal ay ka fuliyeen “Ceelasha Biyaha” ku soo qabtay caawa, dhagarqabe gurigiisa ku hayey walxa qarxa, si shacabka loogu dhibaateeyo″ ayaa lagu yiri qoraalka NISA ee la soo dhigay barta Twitter-ka.

Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada dowlada ay isla degaanka ceelasha ka heleen god weyn oo Al-shabaab ay ku keydsadeen hub aad u fara badan oo isugu jiray waxyaabo qarxa, rasaas iyo kuwo kale.

b

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo la tashi la yeeshay dad baahiyo gaar ah qaba (Sawirro)

Cabdi Cade

Shiikh Shariif: “Waa wax aad looga xumaado wixii ka dhacay maanta kulankii labada aqal”

Caydiid Ali

Xildhibaanow Cunsuriyadda iyo kala Sareynsiinta Ummadda Soomaaliyeed adinkaa Masuul ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---