Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo kulan xasaasi ah la qaatay gudoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi farmaajo ayaa xalay kulan la qaatay Maamulka Gobolka Banaadir iyo gudoomiyeyaasha degmooyinka caasimada

Kulanka waxaa ka qayb galay Gudoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Cabdi Raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) iyo ku xigeenadiisa oo ay wehlinayaan Guddoomiyeyaasha 17-ka Degmo ee gobolka Banaadir.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed  Sabriye ayaa sidoo kale kulanka ka qayb galay waxaana kulankab oo qaatay muddo saacado ah.

Si rasmi ah looma shaacin waxyaabaha lagu faaqiday kulankan iyo natiijada ka soo baxday balse warar ku dhow dhow madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in kulanka lagu lafa guray arrimo la xiriira xoojinta amaanka caasimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamaanka Jubbaland oo ansixiyay Golaha Wasiirada iyo Axmed Madoobe ka mahad celiyay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Tiina Intelmann (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo goordhaw Ubax dhigay Taalada SYL (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---