Allbanaadir.com
NEWS

Maxay ka wada hadleen Taliyaha NISA & Wakiilka UN-ka u qaabilsan Soomaaliya?

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, danjire Meachel Keating ayaa kulan la qaatay Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed (NISA), Xuseen Cismaan Xuseen, kaasoo ka dhacay Muqdisho.

Danjire Keating ayaa kulanka uu la yeeshay Taliye Xuseen Cismaan Xuseen uu kala hadlay arimo kala duwan oo ay uga horeysay xaaladaha amniga ee Muqdisho iyo guud ahaan Somalia.

Waxaa uu xusay in muhiim uu yahay wax ka qabashada amaanka Magaalada Muqdisho oo muddooyinkii dambe ay ka dhacayeen Weeraro kala duwan.

Danjiraha ayaa sheegay in Saaxiibada Soomaaliya ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan Hay’adda Nabad Sugida ee Soomaaliya kalana Shaqeeyaan Sugida amniga.

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed (NISA), Xuseen Cismaan Xuseen ayaa isna balan-qaaday inuu la iman doono qorsheyaal wax looga amaanka caasimada, ayna heyadda NISA dabagal iyo ugaarsi ku heyso wax uu ugu yeeray kooxaha nabadiidka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin oday ahaa oo lagu dilay Muqdisho xilli uu ka baxay Masaajid uu ku dukaday

Cabdi Cade

Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Uganda (Sawirro)

Cabdi Cade

Munaasabada Ciida oo si weyn looga dabaaldegayo Muqdisho & dalka intiisa kale

Caydiid Ali
Taboola Ads ---