Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciqaabta hawlwadeenada Meherada ka dhigtay xatooyada Xoolaha dadweynaha

Qeybta 1aad

Hawlwadeenada dowladda qaarkood waxey qiyaano ku sameeyaan xilka amaanada loogu dhiibay oo ay u adeegsadaan ku takrifalka awooda ay dowladu ugu dhiibtey jagada iyo darajada ay ka hayaan xaafiisyada dowladda, waxeyna xilalkaas ku geystaan faldembiyeedyo salka ku haya musuqmaasuqyo kala ah wax is dabamarin, laaluush qaadasho, iyo xatooyada xoolaha loogu talagalay in loogu adeego wanaajinta nolosha dadka masaakiinta ah oo u baahan adeegyada aasaasiga ah oo ay dowladdu u fidiso dadweynaha tabaaleysan.

Xukunka ku dhisan xatooyada xoolaha dadweynaha waxaa xirfad ahaan xaafiisyada dowladda uga dhex shaqeysta hawlwadeeno ku fadhiya habmaamuska ay leeyihiin masuuliyadda maamulka xaafiisyada dowladda, balse mansabkooda u adeegsada iney xaafiisyadooda tuugnimo ku maamushaan, waxeyna hantida dowladda u isticmaalaan sida iney tahay hanti ay milkiyadeeda iyagu iska leeyihiin, waxeyna sidaas ku dhacayaan hantida dadweynaha iyo mida dowladda iyagoo adeegsanaya awoodooda siyaasadeed iyo mida xilhaynta dowladda.

Musuqmaasuqa wuxuu badanaa yimaadaa marka xukunka dowladda u hogaamiyo kelitaliye awooda dowladnimada ku soo kooba gacantiisa keliya ama ay timaado xukuumad awooda dowladda ay ku jirto gacmo yar oo ka kooban koox yar oo ku bahoobey hodontinimo ganacsi ama ku wada mideysan dariiqo koox diimeeda ama xoogg ku qabtay xukun ku dhisan kontoroolka gole mileteri ama xun rayida oo uu hogaaminayo xisbi siyaasadeed ku dhisan wax ku maamulida siyaasado ka turjumeysa awoodqeybsi ku saleysan musuqmaasuq beeleysan.

Dowladdu marka ay ka gaabiso wax ka qabadka musuqmaasuqa ka dhex jira hayadaheeda dowladda ayaa waxaa dhacda in ku dhaqanka xukunka xatooyada xoolaha dadweynaha ay noqoto habdhaqan ku dhexmilma hanaanka dowladda oo cid walba ay u aragto adeegsi caadiya, waxeyna taas ogolaanshaheeda ay sabab u noqotaa in hawlwadeenada dowladda ay qeyb ka noqdaan shirkadaha u abaabulan qaabka faldambiyeedyada, kuwaas oo hantiyo badan ka hela saamiga ay ku dhex leeyihiin.

Halista ugu weyn ee ka dhalata isku dhex milankaas waxey timaada marka saraakiisha booliska iyo kuwa mileteriga ay qeyb ka noqdaan kooxaha ku adeegta burcadnimada oo ay dhacdo in awooda dowladda ay ugu adeegaan shirkado maafiyaa oo ka ganacsada maandoriyeyaalka kala duwan iyo waxyabaha aan la ogoleyn iney dalka soo galaan sida hubka aan la ogolayn ka ganacsigiisa oo ay u fududeeyaan keenistooda, iibintooda, iyo dhoofintooda, kuwaas oo ay wada shaqeyntooda ka sameyestaan hantida badan oo xaaraan ah, waxeyna halistaas ay hawgab ka dhigtaa hayadaha la dagaalanka musuqmaasuqa oo macaashwadaag la noqda shirkadaha ku shaqeysta burcadnimada.

Kor u kicida adeegsiga musuqmaasuqa waxaa kaalinta ugu weyn ka qaata doorka ay musuqa siyaasaddu ku dhex leedahay hayadaha dowladda oo madaxda sare ay difaac iyo gabaad ugu noqdaan hawlwadeenada geysanaya xatooyada xoolaha dadweynaha masaakiinta ah, waxaana ka mida musuqa siyaasadda marka ay dhacdo in awooda dowladda ay madaxda dowladda ugu dhex adeegto mamulka dowladda iney ugu dhex fuliyan danaha dhaqaale oo ay leeyihiin shirkadaha sida gaarka loo leeyahay, shirkadahaas oo hawl fududeynta loo sameeyey bedelkeeda bixiya kharshyada ku baxa ololaha tartanka doorashooyinka ay madaxdu u gelaan qabashada xaafiisyada dowladda.

Musuq maasuqu wuxuu asal ahaan u qetbsamaa saddex nuuc oo kala ah mid yar oo ku saleysan laaluush qadashada shaqaalaha dowladda oo ay dulsaar lacageed oo aan sharci ahayn ka qaataan dadka kadib marka ay u sameeyaan adeegyada ay dadku u soo doontaan xaafiisyada dowladda oo weliba ay si tixgelin gaara leh dadka qaar ugu fududeeyan hawshooda, waxeyna laaluush qadashada inta badan ay ka dhacdaa xaafisyada dowladda kuwooda bixiya adeegyada dadweynaha sida saldhigyada booliska, maxkamadaha, xaafiisyada diiwaangelinta ama bixiya dokumentiyada, iyo kuwa bixiya shatiyada ganacsiga iyo aqoonsiga hayadaha aan dowliga ahayn.

Musuq maasuqa labaad ee kaas xiga ayaa ah mid ay baaxadiisu weyn tahay oo ay geystaan madaxda sare ee kala hogaamineysa xaafiisyada hayadaha dowladda ama kaaliyeyaashooda u adeegaya danahooda gaaarka ah oo ay taas bedelkeeda ugu tiirsan yihiin dembi ka difaacidooda, waxeyna madaxda sare oo ay awoodooda huwan yihiin kalkaaliyeyaashoodu ay ka badbaadiyaan dembiyada ay galaan, waxeyna kuwaas ay gabaadka u yihiin ay ka indho jeediyaan dabagalka uga imaan kara hanaanka dowladda, siyaasad ahaan, sharci ahaan, iyo dhaqaale ahaan si aysan ugu dhicin in lagu soo eedeeyo faldambiyeedya ay geystaan, waxaana madaxda sare iney sidaas sameeyaan u suurtogeliya, iyagoo ka faa’ideysanaya in aysan dowladdu lahayn xeerar siyaasadeed oo si fiican u qeexaya ka hortaga iyo kadabtaga musuqa.

Hanaanka casriga ah ee loo sameeyey dowladda ayaa ahayd iney noqoto iney u qeybsanaato saddexda qeybood oo kala ah fulinta, sharci dejinta, iyo garsoorka, waxaana sidaas falsafad ahaan loogu kala qeybiyey iney kala madaxbanaanaadaan si ay sharci ahaan suurtogal u noqoto iney isla xisaabtamaan, waxeyna taas ahayd macnaha ka dambeeyey in sidaas loogu hindisey in la xaqiijiyo ineysan dhicin musuqa baaxadda weyn oo ay geystaan madaxda dowladda oo ay xilalkoodu ka kala tirsan yihiin saddexdaas waaxood oo ay u qeybsanto dwladda, balse isku milankooda ay ka dhalato iney isku noqdaan hal hayad oo hoos timaada madaxtooyada dalka, sidaasna uu isla xisaabtankii uu meesha uga baxo.

Musuqa saddexaad ee ka dhexjira xukunka dowladda dhexdiisa wuxuu yahay mid guduha ugu dhex duugan dhismaha hayadaha dowladda kuwooda bixiya adeegyada dadweynaha, hayadahaass oo bulshada dhexdeeda ku barbaariya adeegsiga habdhaqanka musuq maasuqa si ay dadku u qabatimaan bixinta laaluushka mar kasta oo ay adeeg u soo raadsadaan hayadahaha dowladda, waxeyna tarbiyadaas ay dadka si caadiya ugu nugleysaa ogolaanshaha caado qaadashadaas oo dhaqan ahaan iyo diin ahaan looga dhigo duco waajib gudasho.

Waxaa sabab u noqda dhiirogelinta musuqa nidaam ahaan la mataanooba  hanaanka hayadaha dowladda marka ay dhacdo iney la soo gudboonaato hayadahaas waxyaabaha ay ka midka yihiin shaqaalaha oo u jeeda musuqa ay sameynayaan madaxda ka sareeysa, la xisaabtan la’aanta uu masuul kasta ku sameynayo waxa isaga la quman oo ay dantiisu ku jirto, meeshii ay ahaan lahayd in la raaco xeerarka u degsan adeegyada ay bixiyaan hayadaha dowladda, daahfurnaan la’aanta ka dhex jirta hanaanka loo marayo, iyo in dadku ay si cad u arki karaan tilaabooyinka la qaadayo iney waafaqsan yihiin sharciga u degsan hayadaha dowladda.

Waxaa sidoo kale kalifaya in musuqu uu noqdo xalaal aan la qarsann kadib marka ay dhacdo in shaqaaluhu ay dowladda ka qaataan mushaar aan dabooli karin baahiyahooda nololeed iyo xuquuq aan u dhigmin shaqada ay dowladda u qabtaan, iyo jiritaanka ka turjumaya iney dowladdu leedahay dhaqan aysan cidna ugu ciqaabayn adeegsiga musuqa, waxaana sidoo kale kaalin weyn ka qaata jiritaanka musuqa xiriir-wadaaga ku dhisan xigtada iyo xigaalnimada isku xiraya bulshada ee heybta salka ku heysa, wada noolaashaha ku dhisan goboleysiga, iyo ku mideysnaanta urur diimeed ama macaash ganacsi ama siyaasad oo dhamaantood hiilo isugu siinaya iney shabakad ahaan isugu xiran yihiin.

Sababaha kale oo ay ka dhalato ku dhaqanka musuqa waxaa ka mid ah burburka ku dhaca qaab dhismeedka bulshada oo ay waxyeelo ka soo gaarto qiimaha damiirka dadka diin ahaan iyo dadnimo ahaan, taas oo ay sababto saboolnimada ka dhalata iney bulshada la soo deristo jiritaanka xaalado nololeed oo aad u liita, shaqo la’aanta baahsan, aqoon yarida bulshada, xuquuq la’aanta, eexda naasnuujinta, xoriyad la’aanta tacabka, degenaansho la’aanta xukuumadda, iyo cabsida lagu handadayo dadka rayidka ah ineysan ka hadli karin musuqa ay sameeyaan qoysaska madaxda awooda badan ku dhex leh dowladda.

Musuqmaasuqa waxaa lagu yareyn karaa in la xakameeyo imaandarada hawlwadeenada dowladda oo u baahan in si joogto ah loogu sameeyo korjoogteyn, in ay dowladu kireysato bareeyaal ka madaxbanaan dowladda, in warbaahinta lagu dhiirogeliyo tabinta dhacdooyinka sababa musuqa, in dadweynaha rayidka ah loo ogolaado ka qeybqaadashada akhbaaraadka adeegyada dowladda oo ay si daahfuran ula socon karaan, in meesha laga saaro wax kasta oo hoos u dhigaya damiirka iyo dadnimada shaqaalaha dowladda, in dadka lagu dhiirogeliyo dacwo ka keenista musuqa lagula kaco, in dowladdu dameystirto sharciyada lagula dagaalamayo musuqa iyo awoodsiinta hayadaha la dagaalamaya jiritaanka musuqa, in la curiyo barnaamijyo lagu baraarujinayo dadweynaha, loogana wacyi gelinayo waxyeelada ay leedahay ku dhaqanka musuqmaasuqa, iyo in xukun maxkamadeed lagu rido hawlwadeenada lagu soo qabtay iney ku eedeysan yihiin musuq maasuqa, kuwaas oo muteysta in xabsi iyo ganaax adag oo lacageed la isugu daro.


Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

Related posts

Wararkii Ugu dambeeyay qaraxii ka dhacay Muqdisho iyo Khasaaraha ka dhashay

Cabdi Cade

(Sawirro) Rooseeto la isticmaali jiray kumanaan sano ka hor oo laga helay dalka..

Caydiid Ali

Gen. Muungaab oo ka hadlay Sharci ahaanshaha Xil ka qaadistii Gudoomiyaha Maxkamada sare

Cabdi Cade