Xaflada saxiixa heshiiska Galmudug iyo Ahlu suna oo ka socota Villa Somalia (Daawo Sawirro)

Munaasabad lagu saxiixayo heshiiskii Ahlsuna iyo Galmudug ku gaareen dalka Jabuuti ayaa ka socota xarunta madaxtooyada Somalia ee magaalada Muqdisho.l

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Wasiirka Arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo xubno kale ayaa goob joog ka ah munaasabada saxiixa heshiiska.

Hoggaamiyaha Ahlu suna Shiikh Shaakir iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle  Xaaf oo munaasabada ku sugan ayaa qalinka ku duugay heshiiska oo dhigaya in labada maamul ay ku midoobaan Galmudug.

Madaxda dowlada iyo kuwa labada maamul ayaa khudbado ka jeedinaya munaasabada saxiixa heshiiskan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com