Wiil uu dhalay Cali Cabdalla Saalax oo wacad ku maray inuu u aargudi doono aabihiis

Axmed Cali Cabdalla Saalax oo horey u ahaan jiray Taliyihii Ciidamada Jamhuuriga ee Yemen ayaa ku goodiyey inuu u aargudi doono aabihiisa oo Isniintii lagu dilay dagaalo ka dhacay magaalada Sanca ee caasimada Yemen.

Dowlada Imaaraatka oo 4tii sano ee la soo dhaafay xabsi guri ku heysay Axmed ayaa hadda qorsheyneysa iney gacan ku siiso sidii uu ugu laaban lahaa dalka Yemen.

Wiilka Cali ayaa ka mid ah xubnaha la filayo in ay hogaanka u qabtaan xisbigii Saalax ee GPC oo ah kan siyaasadeed ee ugu weyn dalkaasi Yemen.

“Aabahay dhiigiisa waa mid aan sidaasi looga hari doonin oo muddo dheer ka sii sharqami doona dhegaha Iran iyo Xuuthiyiinta, waana ka xoreyn doonaan dalkeena argagaxisada xuuthiyiinta” ayuu yiri Axmed oo la hadlayey TV-ga Al-Ekhbariya.

Xiisad weyn oo ka dhalatay dilka Madaxweynihii hore ee dalka Yemen  Cali Cabdalla Saalax ayaa ka taagan magaalada Sanca iyadoo ay weli qeybo kamid ah magaalada ay ka socdaan dagaalo iyo weeraro ay geysanayaan taageerayaasha Saalax,  duqeynta ay dayuuradaha Sacuudiga ku wadaan magaaladaasi ayaana sii xooogeysatay.

Qabiilka uu ka dhashay Cali Cabdalla Saalax oo ka mid ah qabaailka ugu hubka badan wadanka Yemen ayaa si weyn uga carooday dilka Saalax, waxaana laga cabsi qabaa iney bilaabaan dagaal ay ugu aargudayaan oo haddii uu dhaco dalkaas u horseedi doona masiibo ka baaxad weyn mida hadda taagan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com