War deg deg ah: Trump oo ku dhawaaqay in Magaalada Qudus tahay caasimada Israel

Madaxweyne Donald Trump ayaa ayaa goor dhow ku dhawaaqay in Mareykanka uu magaalada Qudus u aqoonsaday caasimadda Israel.

Talaabadan ayaa la filayaa iney carro xooggan ka dhaliso dunida carabta iyo muslimiinta, iyadoo Aqalka Cad laga sheegay in Trump uu aqoonsanayo kaliya arrin taariikhi ah oo wadata xaqiiqo hadda ah.

Go’aankan ka hor ayuu Trump qadka taleefonka kula xiriiray shan ka mid ah madaxda bariga dhexe, sii uu ugu war-geliyo tallaabada uu qaadayao, waxaana ay kala yihiin; ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Natenyahu, madaxweynaha Falastiiniyiinta Mahmoud Abbas, boqorka Jordan Abdullah, madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sissi iyo boqorka Sacuudiga Salman Bin Abdulaziz.

Boqorka Sacuudiga Carabiya, Salman bin Cabdulcaziz al-Sacuud ayaa Trump u sheegay in safaaradda Mareykanka oo laga dhiso Qudus iyo in magaalada loo aqoonsado caasimadda Israa’iil ay noqon doonto daandaansi qayaxan oo ku wajahan Muslimiinta caalamka oo dhan.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha Falastiiniyiinta, Maxamuud Cabbas ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan kara go’aan noocaas ah oo saameeya hannaanka nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka iyo caalamka oo dhan

Hoggaamiyaha Xamaas, Ismaaciil Haniya wuxuu ku baaqay in dibad baxyo la sameeyo Jimcaha soo socda.

Boqorka Urdun, Cabdulla wuxuu sheegay in go’aankaasi uu wiiqi doono dadaalka boorka looga jafayo hannaanka wadahadallada nabadda.

Madaxweynaha Masar, Cabdulfatax Al-sisi wuxuu isna Trump ugu baaqay in uusan uga sii darin xaaladda cakiran ee gobolka.

Hase ahaatee Trump ayaa iska dhaga tiray dowladaha carabta iyo kuwa Islaamka oo u sheegay in haddii uu talaabadan qaado ay cawaaqib xumo ba’an ka dhalan doonto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com