Labo Qarax oo goordhaw ka dhacay meel ku dhaw xarunta Madaxtooyada Somalia

Waxaa goordhaw labo qarax aad u xoogan ay ka dhaceen meel ku dhaw  xarunta Madaxtooyada Soomaaliya sidoo kale uu kuyaalo Hotelka SYL ay dagan yihiin masuuliyiin katirsan dowlada.

Jugta qaraxa koobaad oo ahaa mid xoogan ayaa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho, waxaaan uuro iyo qiiq madow laga arkayay aaga qaraxu ka dhacay oo ku dhaw  xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxa uuna ka dhacay meel ku dhaw dhismaha  Hoteka SYL iyo Beerta Nabada oo kuyaala meel ku dhaw xarunta Madaxtooyada .

Waxaa daqiiqado kadib mar kale dhacay qarax kale oo xoogan, waxaana qaraxaasi uu isna ka dhacay meel ku dhaw goobtii uu markii hore ka dhacay qaraxa koobaad, lamana oga in la waday gaariga qarxay iyo in kale.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in gaariga koobaad ee qarxay uu xoog kaga soo gudbay koontarool yaala laamiga Ceel Gaabta, waxa uuna gaariga qarxay iyada oo ciidamada amaanka rasaas ku ridayeen.

Rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa agagaarka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana halkaasi buux dhaafiyay ciidamo badan oo katirsan kuwa dowlada Soomaaliya.

Waxii warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkaaga dambe Unsha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com