Wafdi uu horkacayo Madaxweyne Farmaajo oo u kicitimaya Magaalada Sharm El-Sheikh

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa saacadaha soo socda ka ambabaxaya magaalada Muqdisho iyagoo ku wajahan dalka Masar.

Farmaajo iyo wafdigiisa ayey wararku sheegayaan iney maalinta beri ah ka degi doonaan Magaalada woqooyiga dalkaas ku taalla Sharm El-Sheikh halkaasoo ay kaga qeyb galayaan shirka horumarinta ganacsiga Afrika oo halkaas ka dhacaya 7-9 bishan.

Sida ay sheegayaan ilo wareed ku dhow Madaxtooyada Somalia Waxaa shirkan ka qeyb galaya Madaxweynayaal Afrikaan oo ka kala socda dalalka Ivory Coast Rwanda, Guinea, Comoros iyo Masuuliyiin kale, waxaana diirada lagu saarayaa xoojinta iyo casriyeynta ganacsiga Afrika.

Safarka Madaxweyne ku tagayo dalka Masar ayaa noqonaya kii labaad tan iyo markii loo doortay xilkan bilowgii sanadkan.

Safarada Madaxweynaha ku tagayo dalka dibediisa ayaa ah kuwo muhiim ah oo la xiriira xoojinta taageerada dowladiisa iyo buuxinta kaalinta Somalia ku leedahay shirarka heer gobol iyo heer caalami.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com