Wada Hadal toos ah u Bilowday dowladaha Soomaaliya Iyo Imaaraadka Carabta

0

Xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka ayaa meeshii ugu xumeyd gaaray, waxaana hada socda dadaalo lagu doonayo in labada dal lagu dhax dhaxaadiyo.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Xukuumada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo Wareysi Siiyay Idaacada VOA  ayaa sheegay inuu jiro wada hadal toos ah oo ka dhex bilowday Somaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Waxa uu sheegay Wasiir Cawad in Madaxda Imaaraatka iyo Soomaaliya ee ka qeyb galay shirka Madada Jaamacada Carabta ay si toos ah uga wada hadlayaan xiisada ka dhax aloosan labada dal.

‘Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa meesha ka saaray in Dowlada Sacuudiga ay dhax dhaxaadineyso labada dal, mana sheegin Wasiirka waxyaabaha ugu muhiimsan ee ka wada hadlayaan labada dal iyo xiliga uu uu soo dhamaanayo Wadahadalka.

Mar la weediiyay Wasiirka waxa ay kala socdaan Warka kasoo baxay Dowlada Imaaraaka ee lagu joojiyay kaalmadii iyo tababardii ay siin jireen ciidanka Soomaaliya ayuu sheegay in wali warkaasi uusan iyagu soo gaarin.

Dowlada Soomaaliya iyo Imaaraartka ayaa xiriirkoodu gaaray Meel xun kadib markii dhawaan garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde lagu qabtay ku dhawaad 10-Milyan Dollar ay wadeen diblumaasiyiin Imaaraatka u dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com