Waa Maxay Ciida Halloween ee Caawa lagau xuso waddamadda Reer Galbeedka?

Halloween waxaa asal ahaan keenay dadkii lagu  magacaabi jiray Celtic, dadkaan  celtic-ga waxay ku hadli jireen Celtic, waxayna ku noolaayeen Scotland iyo Ireland, ama waxay waddmada yurub oo dhan, gaar ahaan  Farnsiiska,Norway iyo Denmark.

Dhanka kale qarnigii 1-aad, nin lagu magacaabi jiray Julius Caesar ayaa soo wariyay dadka loo yaqaan maanta Roman-ka ama Roomaaniyiinta lagu magacaabi jitay Gauls(Galli) , inkastoo iyaga ay isku magacaabi jireen Celts.

Hadaba asalka Halloween waxaa laga keenay dhaqanka loo yaqaan Samhain, midkaaso oo ka jiray Ireland, oo ka tirsan maanta UK, Samhain marka ay qabanayaan waxyaabah ugu mihiimsan ay sameeyaan waxaa kamid ah, in ay dab shidan jireen, kadibna isku soo baxyo samayn jireen, isku soo baxaasi ayaa la qaban jiray habeenka ay soo galayso ama la galayo 31 October ilaa iyo1 November.

Dadka Celtiga, Samhain waxay u dabaal dagi jireen sanad walibaa, sidaasi darteed asalka Hollween waxaa laga keenayy Samhain, isku soo baxaan ayaa la qabtaa xilliga dayrta (Autumn),waa xilliga uu si dhamaanayo xagaaga (Summer-ka), hadaba Halloween ama Samhain waxay celtiga ku sheegi jireen in ay tahay Sanadkooda cusub, iyaga oo sanadkiiba u xisaabsan jiray 11 bilood oo kaliya, sanadka cusubna uu u bilaabanayo bisha November.

Maalmaha ay xusayaan halloween waxyaabaha ugu baddan ay sameeyaan ayaa ah in ay soo xirtaan dhar u ekaysiinaya iyaga sida shaydaanka oo kale, waxay badalaan wajiyadooda, iyaga oo wajigoodda ku xardha midib sida dhiiga oo kale, timahana ka dhigta sida shayaadiinta, caruurta inta baddan waxaa loo xiraa dharkaasi..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com