Daawo Sawirro laga soo qaaday Qaraxyadii lagu weeraray Xarunta Wasaarada Amniga iyo Gudaha

Waxaa maanta dagaalyahano katirsan Al Shabaab qaraxyo  ismiidaamin iyo weerar toos ah ku qaadeen Xarunta Oto Oto ay degan yihiin Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga Xukuumada Soomaaliya.

Weerarka ayaa ku bilowday qarax gaari laga so buuxiyay oo lagu dhuftay koontaroolka Sayidka oo ah halka laga galo xarunta Oto Oto, waxaana qaraxa kadib xaruntaasi galay dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo mudo ka dhax dagaalamayay .

Ku dhawaad 10-qof oo isugu jira shacab, ciidan iyo Shaqaalo katirsan Wasaaradaha la weeraray ayaa goobtaasi ku dhimatay, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 15-qof oo la geeyay xarumaha caafimaadka.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkan lagu qaaday xaruta ay degan yihiin Wasaarada Arimaha gudha iyo AMniga, waxa ayna Shabaab sheegeen in weerarkan khasaaro badan ku gaarsiiyeen dowlada.

Qaraxyada iyo weerarkan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadaya xili magaalada ka nasatay qaraxyada Ismiidaaminta ah, waxaana dad badan isweediinayaan raga hubeesan iyo baabuurta qaraxday sida ay goobtan kusoo gaareen maadaama magaalada Koontaroolo badan yaalaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -