Qarax xoogan oo Ciidamada AMISOM lagula eegtay magaalada Muqdisho

Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa kolonyo gaadiid ah ay la socdeen Ciidamada katirsan AMISOM waxaa lagula eegtay Xaafada Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan wadad laamiga ah.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in qaraxa miino uu haleelay mid kamid ah gaadiidkii ay wateen ciidamada AMISOM, waxaana goobjoogayaasha sheegeen in ay arkayeen mid kamid ah gaadiidka AMISOM oo gubanaya.

Ciidamada AMISOM ayaa qaraxa kadib rasaas xoogan ku furay dadkii ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana wararka aan heleyno sheegayaan in khasaaro kasoo gaaray dad shacab ah rasaasta ay fureen ciidamada AMISOM.

Taliska Ciidamada AMISOM ayaan wali ka hadlin qaraxan lala eegtay ciidankooda, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in qaraxan uu khasaaro kasoo gaaray askar katirsan ciidanka AMISOM oo saarnaa gaariga qaraxu haleelay.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ee mara inta badan laamiga Suuqa Xoolaha ayaa lala eegtaa qaraxyo miino, waxaana qaraxyadaasi mararka qaar waxyeelo kasoo gaartaa dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com