Mukhtaar Roobow oo sheegay inuusan isku dhiibin dowlada Somalia, Saxaafadana amar siiyey

Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo ahaa ku-xigeenka hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab balse markii dambe ka baxay kooxdaas ayaa beeniyey inuu isku dhiibay dowlada Somalia, isagoo xusay inuu ku yimid wadahadal.

Roobow ayaa hadalkan ka sheegay maanta Magaalada Baydhabo xili uu la hadlayey Wariyeyaasha magaaladaas jooga oo uu isugu yeeray.

Weriyeyaasha ayaa sheegay in lagu wargeliyay iney Madaxtooyada tagaan, uuna u yeerayo Mukhtaar Roobow, iyagoo u qaatay inuu shir jaraa’id qabanayo.

Hase ahaatee markii ay tageen halkii uu Muqtaar Roobow Madaxtooyada ka joogay ayaa wariyeyaasha waxay sheegeen in lagu wargeliyay inay demiyaan dhamaan qalabka wax lagu duubo ee ay wataan iyo Mobilada.

Mukhtaar Roobow ayaa intaas ka dib kulan la qaatay Weriyayaasha isagoo u sheegay in xiliyada ay isaga wararka ka tebinayaan  ay joojiyaan erey bixinta sheegeysa inuu isku soo dhiibay dowladda balse ay u dhigaan warka inuu ku yimid wadahadal.

“Aniga dowlada isuma soo dhiibin ee wadahadal ayaan ku imid, waa inaad sidaas warka u dhigtaan” ayuu yiri Mukhtaar Roobow oo weriyeyaasha u sheegay inuusan diyaar u aheyn maanta inuu cod iyo sawirro siiyo balse uu dhowaan meel fagaare ah ka cadeyn doono waxyaabaha u qorsheysan.

Hadalka Roobow oo u muuqatay mid amar ah ayaa waxaa ka war hayey Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo ammaankiisa ilaalineysa halkaasoo uu maalmahanba ku sugnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com