Mid ka mid ah Dalalka Yurub oo Maskax cusub u is ticmaalay Qaxootiga Diidmada heysta !! (Daawo Sawirada) 

Mid ka mid ah dalalka ugu tunka weyn qaarada Yurub ayaa waji cusub la soo baxay kaas oo Qaxooti fara badan si farsameyn dalalkooda dib ugu celinayo.

Wadanka Germany ayaa Qoysas badan dib ugu celiyay dalalkii ay ka soo jeedeen ka dib markii loogu yaboohay in la siin doono Famil kaste Aduun dhan 6.000 oo Euro , waa hadii ay si nabad ah ku ogolaadaan in wadamadooda dib loogu celiyo

Wasiirka Arimaha gudaha dalka Germany Mr.Thomas De Maiziere ayaa qorshahaan cusub bilaabay waxaana gudaha dalka Jarmalka ku nool in ka badan 115.000 oo qaxooti ah , kuwaas oo loo diiday codsigoodii magangalyo doonka ahaa (Negativ)

Dad badan oo ku dhibaateysnaa gudaha dalka Germany ayaa durbadiiba bilaabay inay ka faaideystaan fursadaan qaaliga ah maadaama diyaarado bilaash ah lagu geenayo dalalkooda waliba lacag loogu darayo celintooda

 
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Munchen Germany
Allbanaadir@live.com