Sweden oo diiday iney Viso ku dhufato Baasaboorka Xasan Shiikh & sababta ka dambeysa

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa joojiyey socdaal uu ku tegi lahaa dalka Sweden ka dib markii loo diiday in Baasaboorkiisa Soomaaliga ee Diblomaasiga ah lagu dhejiyo dal ku galka ama visaha Sweden.

Arintan ayaa timid ka dib markii Safaarada Sweden ku leedahay dalka Tanzania ay diiday iney Viso ku dhufato Baasaboorka Soomaaliga ee uu leeyahay Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowlada Sweden ayaa ka mid ah dalal badan oo aan weli aqoonsaneyn baasaboorka Soomaaliga.

Xasan Shiikh ayaa diiday in baasaboorkiisa labaad ee Kenyanka ah loo saaro viisaha, sidoo kale waxaa uu diiday in viisaha loo siiyo warqad ahaan, isagoo ku adeystay in loogu dhufto baasaboorkiisa Soomaaliga diblomaasiga ah haddii taas la waayana uu joojinayo Safarkii uu ku tegi lahaa dalka Sweden.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xubno Xildhibaano ah oo wehlinaya ayaa waxaa casuuntay Hay’adda aan dowliga aheyn ee   Olof Palmes si ay uga qeyb galaan shir ka dhacaya dalkaas Sweden.

Baasaboorka Soomaaliga ayaa waxaan weli aqoonsaneyn dalal badan oo caalamka ka tirsan taasoo ay dhibaato ku qabaan dadka Soomaaliyeed masuuliyiin iyo Shacab intaba, waxaana madaxweynihii hore Xasan Shiikh lagu amaanay talaabada uu qaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com