Madaxweyne Trump oo ka hadlay askari Mareykan ah oo lagu dilay Duleedka Kismaayo

4027

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ka hadlay askari Mareykan ah oo shalay lagu dilay Weerar Al Shabaab ku qaadeen Ciidamo Mareykan ah oo ku sugnaa duleedka Kismaayo.

Donald Trump oo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka uga tacsiyeeyay ehelada askariga Mareykanka ee lagu dilay weerarkii ka dhacay Duleedka Kismaayo, waxa uuna Madaxweynaha caafimaad u rajeeyay askarta la dhaawacay.

“Waan la murugoonayaa, waanan u duceynayaa qoysaska ay ka baxeen askariga lagu dilay iyo kuwa lagu dhaawacay Soomaaliya. Runtii waa geesiyaal”. Ayuu yiri Madaxweynaha dalka Mareykanka.

Al Shabaab ayaa shalay weerar kedis ah ku qaaday ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykan ah oo ku sugnaa duleedka Kismaayo, waxaana weerarkan sidoo kale dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray Kumaandooska Soomaaliya.

Askarigan Mareykanka ee shalay lagu dilay duleedka magaalada Kismaayo ayaa noqonaya Askarigii labaad ee lagu dilo gudaha Soomaaliya tan iyo sanadkii 1993-dii oo Soomaaliya Mareykanka looga dilay 18- askari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com