Libaaxyo si xun u dilay nin doonayay in iyaga uu ugaarsado !!

195

Libaaxyo ayaa weerar kedis ah kusoo qaaday nin ugaarsade ah oo doonayay in libaaxyadaasi u gaarsado, waxa ayna libaaxyada si fool xun u dileen ninkaasi ugaarsadaha ahaa.

Dhacdadan ayaa la sheegay in ay ka dhacday kaynta xayawaanka ee Kruger ee dalka Koonfur Afrika, Keyntan ayaa ah mida ugu weyn Wadamada Koonfureed ee Qaarada Afrika waxa ayna ku taalaa xadka dhoor wadan.

Raxan Libaaxyo ah ayaa soo weeraray kadibna hilibkiisa cunay ninkii ugaarsadaha ahaa, waxaana la sheegay in libaaxyada feenteen hilibka ninkaasi ayna ka tageen kaliya Madaxiisa inta kalana cuneen.

Moatshe Ngoepe oo ah Afhayeen u hadlay booliiska Koonfur Afrika ayaa sheegay in raxan libaaxyo ah ay weerar kadis ah kusoo qaadeen ninkan ugaarsadaha ahaa kadibna cuneen, ma sheegin Afhayeenka magaca ninkna iyo halka uu kasoo jeedo.

Dalka Koonfur Afrika waxaa taga dad badan oo ugaarsato ah oo ka taga wadamo kala duwan, dadkan ayaa xayawaanaadka ay ugaarsadaan waxaa kamid ah Libaaxa oo lafahiisa iyo xubnihiisa kale ay qaali ka yihiin dalal Aasiya kuyaala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com