Jawaabo caro leh oo laga bixiyey go’aankii Trump & amniga Safaaradaha Maraykanka ee caalamka oo la adkeeyey

Caro xooggan ayuu caalamku kala hor yimid Go’aankii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ugu aqoonsaday magaalada Qudus caasimadda rasmiga ah ee Israa’il.

Ammaanka Safaaradaha Maraykanka ee dalalka dibadda ayaa si weyn loo adkeeyey iyadoo laga cabsi qabo weerarro in lagu qaado sida ay soo werisay warbaahinta Maraykanka.

Ra’iisul wasaaraha israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa go’aankaan ku tilmaamay mid taariikh ah oo caddaalad ah.

Hase ahaatee Hogaamiyeyaasha dunida muslimka iyo guud ahaan beesha caalamka oo dhan ayaa si weyn u dhaleeceyay tallaabada uu qaaday Trump, waxayna ka digeen halista rabshado ka dhasha arrintan oo horseeda dhiig daato.

Iran ayaa go’aanka Trump ku tilmaantay mid kooxaha argagaxisada siinaya fursad dahabi ah oo awoodooda sii xoojineysa.

Xoghayaha guud ee hay’adda Qaramada Midoobay Antonio Guterras, ayaa sheegay in aysan jirin wax lagu beddelo xal u raadinta Israa’il iyo Falastiin, waxaana uu ku tilmaamay mowqifka Mareykanku mid laga murugoodo.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, oo booqasho ku jooga dalka Aljeria ayaa isna ku tilmaamay hadalka Trump wax laga xumaado.

Dalka Turkiga, dibadbaxayaal ayaa isugu tagay banaanka hore ee safaarada Mareykanku ku leeyahay magaalada Istanbuul. Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa waxa uu isna ku tilmaamay go’aanka Mareykanka geyru mas’uulnimo.

Madaxweynaha Falastiniyiinta Mahmud Abbas ayaa sheegay in go’aanka Trump uu soo xiray xalkii nabadda labada dhinac ee Israa’il iyo Falastiin.

Ururka Falastiiniyiinta Xamaas ayaa ku tilmaamay qaraarka inuu albaabada jaxiima ku furayo danihii Maraykanka ee gobolka Bariga dhexe iyo caalamka intiisa kale.

Madaxweyne Trump ayaa oo u aqoonsaday Qudus caasimadda rasmiga ah ee Israa’il ayaa sidoo kale saxiixay in safaarada Mareykanka laga raro Tel Aviv loona raro magaalada Qudus.

Arrinta Qudus ayaa xuddun u ah collaada daba-dheeraatay ee u dhexeysa Israa’iil iyo Falastiin, xilli Falastiiniyiinta ay doonayaan in Bariga magaalada Barakeysan ee Qudus ay noqoto caasimaddooda.

Tallaabadan uu ku dhaqaaqay Trump ayaana waxay ka dhigeysa Mareykanka dalkii ugu horreeyay dunida ee si rasmi ah ugu aqoonsado Qudus caasimadda Israa’iil.

Dibed-baxyo waaweyn oo caro xambaarsan ayaa la filayaa iney saacadaha soo socda ruxaan dalalka Islaamka iyo kuwa Carabta iyadoo caawaba isu soo baxyo ka dhacay degaanada Falastiiniyiinta lagu gubay sawirada Trump iyo Netanyahu.

Khubarada ka faalooda siyaasada caalamka aya sheegay in go’aankan uu yahay ismiidaamin siyaasadeed oo Madaxweyne Trump u bareeray, waxayna aaminsan yihiin cawaaqibka ka dhasha inaysan mahdin doonin Maraykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com