Hogaamiyaha Xuuthiyiinta oo ka hadlay dilka Kooxdiisu u geysatay Cali Cabdalla Saalax (Daawo Sawirro)

Hogaamiyaha Kooxda Xuuthiyiinta shiicada ah Iran ay taageeerto Cabdilmalik Al Xuuthi oo warbaahinta la hadlay saacado kadib dilkii Madaxweyne Saalax ayaa sheegay in Cali Cabdalla Saalax iyo taageerayaashiisa ay galeen khiyaano Qaran ayna la safteen Xulafada Sacuudiga.

Cabdilmalik Al Xuuthi wuxuu ku dooday in dhankooda ay isku dayeen in xal walba arrintan loo helo balse ay dagaal kala horyimaadeen kooxda Saalax ayn taas ku qasabtay iney isdifaacaan.

Dilka Cali Cabdalla Saalax ayaa laga cabsi qabaa inuu waji cusub uu yeelo dagaalka ka socda Yemen maadaama uu kasoo jeedo mid ka mid ah qabaa’ilka ugu hubka badan dalka Yemen isla markaana uu ku lahaa taageero xoog leh.

Waxaa uu intaas ku daray in Taageerayaasha Madaxweynihii hore ee Yemen ay bilaabeen dagaalka, ayna taas horseeday in kooxdiisu iska difaacdo, isla markaana qaarajiso Saalax ii dalkaas soo xukumayey 33 sano.

Dilka Cali Cabdalla Saalax ayaa laga cabsi qabaa inuu waji cusub uu yeelo dagaalka maadaama uu kasoo jeedo mid kamid ah qabaa’ilka ugu hubka badan dalka Yemen isla markaana uu ku lahaa taageero xoogleh.

Saalax ayaa xiliga la dilayey doonayey inuu koonfurta uga baxo magaalada Sanca si uu u gaaro goobta ay ku xoogan yihiin maleeshiyaadka qabiilkiisa oo 20km u jirta magaalada Sanca ka dib markii hoygiisa Sanca la qabsaday.

Xulufada Sacuudiga iyo dowlada caalamku aqoonsan yahay ee Yemen ayaan illaa hadda ka hadlin dilka Saalax oo ahaa mid lama filaan ah oo dad badan ay si weyn uga naxeen.

Sawirada hoose waxaad ka daalacan kartaa dagaalyahano ka tirsan Xuuthiyiinta oo ku yaacaya kolonyada uu la socday Madaxweyne Saalax oo mareysay duleedka Magaalada Sanca  waana daqiiqao ka hor inta aan la dilin Saalax.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com