Farmaajo oo wada hal Qorshe oo hadii uu u hirgalo Mucaaradka dhabar jab weyn ku noqon kara 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xiligan la kulmaya Cadaadis siyaasadeed oo uga imaanaya Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ka shidaal qaadanaya Dowlado shisheeye.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa wada mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya, waxa ayna Xildhibaanadan doonayaan in xilka laga tuuro Farmaajo oon wali sanad dhameysan.

Farmaajo oo ka wal walsan isku dayada lagu doonayo in xilka looga qaado ayaa hada wada qorshe uu ku doonayo in uu kaga bad baado mooshinada laga keeno, waxa uuna dadaal ku bixinayaa sidii uu xilkiisa u dhameysan lahaa .

Sida aan ku helnay Warar lagu kalsoonaan karo Madaxweyne Farmaajo ayaa dhisaya Xisbi qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka leeyihiin, waxa uuna xisbigan noqona mid muxaafid ah oo Madaxweynaha ku difaaca gudaha Baarlamaanka.

Xisbigan waxaa ku mideysmi doona Xildhibaanada Muxaafidka ah, waxa ayna Xildhibaanadan noqonayaan kuwa aad ugu dhaw Madaxweynaha sidoo kale waxa ay heli doonaan xaquuq gaar ah iyo Mudnaan dhinaca Madaxtooyada.

Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay kulamo looga arinsanayay sidii loo sameyn lahaa Xisbigan ay Xildhibaanada Muxaafidka ku mideysan yihiin , waxaana hada socda isku uruurinta Xildhibaanada isku siyaasada ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya in uu helo Xildhibaano gaaraa 150-Xildhibaan oo siyaasadiisa taageersan kuna difaaca kursiga sadaxda sano ee soo socota, waxaana Xildhibaanadan Madaxweynaha u sameenayaa balan qaadyo ay ku qanci karaan.

Qorshahan uu wato Madaxweyne Farmaajo ayaa hadii uu u hirgalo waxa ay dhabar jab ku noqon doontaa Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta mucaaradsan Siyaasada Madaxweynaha waxaana ku adkaan doonta in Mooshin ka gudbiyaan Madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com