Fanaanadii Ugu horeesay ee Af Soomaali ku heesta oo saakay Geeriyootay

Allaha u naxariistee waxaa saakay magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland ku geeriyootay Fanaanda Shamis Abokor Ismaaciil “Guduudo Carwo”  oo kamid aheyd Fanaaniintii ugu horeesay ee Af Soomaali ku heesta.

Sida aan Wararka ku helnay Fanaanada ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku xanuunsaneed magaalada Hargeysa, waxaana saakay aroor hore ku geeriyootay gudaha magaalada Hargeysa.

Geerida Fanaanada caanka aheyd ee Shamis Abokor Ismaaciil “Guduudo Carwo” waxaa ka tacsiyadeeyay abwaano iyo fanaaniin caan ah, waxa ayna ilaah uga baryeen in janadii fardowsa ka waraabiyo fanaanada.

Shamis Abokor Ismaaciil “Guduudo Carwo”  ayaa aheyd gabadhii ugu horeesay ee Af Soomaali ku heesta ee raadiyaha laga maqlo sanadihii 1950-meeyadii , waxa ayna astaan u aheyd fanka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com