Faahfaahino ka soo baxaya qaabkii loo dilay Cali Cabdalla Saalax & Masuuliyiin la socotay (Sawirro Cusub)

Waxaa soo baxaya tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan qaabkii uu u dhacay dilkii maanta kooxda Xuuthiyiinta Yemen u geysteen Madaxweynihii hore ee dalkaas Cali Cabdalla Saalax ka dib dagaalo lix cisho socday oo ka dhacay magaalasa Sanca.

Geerida Saalax ayaa waxaa xaqiijiyey xisbigiisa, iyadoo wararku sheegayaan inuu ka baxay hoygiisa oo ku yaallla Koonfurta magaalada Sanca duhurnimadii maanta ka dib markii ay ku soo dhowaadeen madaafiicna ku garaaceen Xoogaga Xuuthiyiinta.

Ilo wareedyo ayaa Telefishinka Al-Jazeera u xaqiijiyey in Saalax oo wata dhowr gaari oo ay la socdeen masuuliyiin ka tirsan xisbigiisa iyo xubno ka tirsan qoyskiisa ay ka baxeen Magaalada.

Gaadiidka gelbinayey Saalax ayaa markii ay ku dhowaadeen tuulada Jaxash oo ku taalla agagaarka magaalada Sanca waxaa wadada u galay ku dhowaad boqol dagaalyahan oo ka tirsan Xuuthiyiinta shiicada ah oo watay gaadiid fara badan oo kuwa dagaalka ah.

Dagaalyahadan ayaa la sheegay gaariga kala soo degeen Cali Cabdalla Saalax, iyagoo ka dibna madaxa ka toogtay, waxay kaloo dileen kaaliyaha  Xoghayaha guud ee Xisbiga Yaasir Cawaadi, iyagoo nolosha ku watay wiil uu dhalay Madaxweyne Saalax oo la yiraahdo Khalid Cali Cabdalla iyo xubno kalu kuwaasoo aan la ogeyn  nolol iyo geeri halka ay ku dambeeyeen.

Sawirada hoose waxaa ka muuqda hoyga Cali Cabdalla Saalax oo qeybo ka mid ah uu dab qabsaday iyo dagaalyahano ka tirsan kooxda Xuutiyiinta oo hareeraha guriga dhooban.

Sidoo Waxaa ka muuqda goobta lagu qabtay Cali Cabddalla Saalax  ee duleedka magaalada Sanca oo uu yaallo gaarigii lagala dagay isaga iyo xubnihii la socday oo qaarna la dilay kuwii kalena nolasha lagu watay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com