Duqeyn dhinaca cirka ah oo ka dhacday Sh/hoose & Warar iskhilaafsan oo ka soo baxaya

Dayuurad nooca aan duuliyaha laheyn ee Maraykanka ayaa duqeyn ka geysatay agagaarka degaanka Toora-toorow ee gobolka Sh/hoose

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sh/hoose Cali Nuur ayaa tilmaamay in duqeyntan lala beegsaday gaari ay saarnaayen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Cali Nuur ayaa sheegay in dayuurada ay gantaalka la heshay gaariga khasaare dhimasho iyo dhaawac ahna ay ka soo gaareen saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo la socday.

Hase ahaatee warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegtay in duqeyntaas ay ku dhacday goob ganacsi laguna dilay ugu yaraan todoba shacab ah iyo dhaawaca saddex kale.

Maraykankanka ayaan ka hadlin duqeyntan, Mana jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya halka sida rasmiga ah loola beegsaday  iyo khasaaraha ka dhashay, hase ahaatee ciidamada Maraykanka ee jooga Somalia ayaa kordhiyey mudooyinkan duqeymaha ay la beegsadaan kooxda Al-Shabaab.

Maraykanka ayaa markii hore duqeymaha cirka ah qaarajin ah la beegsan jiray oo kaliya madaxda iyo saraakiisha Al-Shabaab hase ahaatee duqeymahan u dambeeyey ayaa ahaa kuwo lagu qaadayey goob walba oo Al-shabaab joogaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com