Dowlada Somalia oo la wareegtay Deeq ka timid Boqortooyada Sacuudiga (Daawo Sawirada)

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdosho kula wareegtay Deeq daawo ah oo ka timid Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Diyaarad sidan deeqdan Dawada ah ee Sacuudiga ugu deeqday Soomaaliya ayaa saakay kasoo degtay garoonka Aadan Cadde, waxaa sidoo kale Diyaarada la socday dhaawacyo lagu soo daweeyay Sacuudiga.

Maxamed Cabdalla Almaajid oo la socday Diyaarada Daawada siday ayaa sheegay in deeqdan daawada ah ay qeyb ka tahay gar gaar uu amray in Soomaaliya la gaarsiiyo Boqorka Sacuudiga.

Wasiir kuxigeenka Wasaardda gargaarka Xukuumadda Soomaaliya ahna kusimaha Wasiirka  Cilmi Cumar Ceynsanye oo deeqdan gudoomay ayaa uga mahadceliyay dowladda Sucuudiga sida ay u garab taagan tahay dowlada iyo shacabka Soomaaliya.

Qaar kamid ah Dowladaha Soomaaliya saaxiibka la ah ayaa deeqo u badan daawo soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho tan iyo waxii ka dambeeyay qaraxii 14-kii bishii October ka dhacay Isgooska Soobe.

=\

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com