Dal ka tirsan Afrika oo la qiimeeyey inuu ka amni fiican yahay Maraykanka iyo Britain

7070

Dalka Masar ayaa noqday dalka ugu ammaanka badan qaaradda Afrika, isaga oo ka sare maray Britain iyo Maraykanka, sida ay muujinayso xog cusub oo la soo saaray.

Dalkan Waqooyiga Afrika ku yaala ayaa kaalinta 16aad ka galay liiska ay soo saartay heyadda nabadda iyo kala dambaynta adduunka ee The Gallup Global Law and Order oo baaritaan ka samaysay 135 dal.

Warbixintan oo ah mid sannadle ah ayay shirkaddu ku eegtaa dareenka ammaanka qofeed iyo khibradda ay u leeyihiin dambiga iyo laamaha sharci fulinta.

Masar waxay keentay 88 dhibcood waxayna la siman tahay dalal ay ka mid yihiin Denmark, Slovenia iyo Shiinaha.

Dalka Venezuela oo qalalaase ka taagan yahay ayaa noqday midka ugu halis badan, Suudaanta Koonfureedna waxay noqotay dalka ugu ammaan xun Afrika waxayse dhaantaa Afghanistan.

Dalkan bariga Afrika ku yaalla waxaa soo raaca Gabon, Liberia iyo Koonfur Afrika oo ka mid ah meelaha dalxiiska caanka ku ah.

Su’aalaha dadka la waydiinayay ayaa ahaa kalsoonida ay ku qabaan booliiskooda, ammaanka habeenkii, xatooyada, boobka iyo tacaddiyada.

Boqolkiiba lixdan dadka ku nool dalalka Saxaraha Afrika ka hooseeya ee codkooda ka dhiibtay Gallup waxay sheegeen in ay ku kalsoon yihiin booliiskooda, dalalka Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe ku yaallana waxay sare ugu kaceen 68%.

Dhanka kalana Rwanda ayaa noqotay dalka ugu ammaanka badan Afrika markay habeen noqoto, 88% dadku waxay sheegeen in ay dareen la’aan socon karaan habeenkii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com