Dad badan oo ka carooday Sawir Xildhibaan Soomaaliyeed soo dhigay Facebook !! (Daawo Sawirka)

Dad badan oo Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga carooday sawir uu baraha bulshada gaar ahaan Facebooka soo dhigay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

Xildhibaanka oo kamid ah Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowlada Madaxweyne Farmaajo ayaa soo dhigay Facebooka sawir uu ku saadaalinayo in Soomaaliya sadexda sano ee soo socota ay gali doonto Xaalad halis ah.

Mahad Salaad ayaa soo qaatay Sawirada Afar xabo oo Moos ah waxa uuna ku cabiray afarta sano uu xilka heynayo Madaxweyne Farmaajo, Mooska ayaa midka ugu horeeya uu ka cabiray sanadkii 2017-da yahay mid fiican halka sadaxda kale ay yihiin kuwa buka oo xumaaday.

Sawirkan uu soo dhigay Xildhibaan Mahad Salaad ayuu soo raaciyay qoraalkan

Sawir ka tarjumaya kooxda Geeri iyo Guluf Colaadeed (Nabad iyo Nolol) markii dalka loo dhiibay sanadkii 2017 sida uu ahaa iyo sida uu noqon doono afar sano kadib!

Eebow innaga soo gaar. Aamiin.

Dadkii Sawirkan ka fal celiyay ayaa intooda badan ka carooday sawirka iyo Qoraalka uu soo raaciyay Xildhibaanka, waxa ayna sheegeen Xildhibaan Mahad in uu saadaalinayo in dalku ka dhaco dagaal ayna dhimato  iftiinka iyo rajada umada hada soo gashay.

Mahad Salaad Sawirka uu soo dhigay dadkii ka fal celiyay oo u badnaa dad dowladnimada Soomaaliya taageersan ayaa soo dhigayay Sawir kale oo ka gedisan kan Xildhibaanka, waxaana Sawirkan muujinaya in rajada ay tahay mid fiican lagana soo gudbay dhibka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com