Daawo Sawirada: Somalia iyo Mareykanka oo kala saxiixday Heshiis Taariikhi ah oo ku kacaya 30-Malyan oo Dollar

292

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa maanta kala saxiixday Heshiis Taariikhi ah oo ku kacaya 30-Malyan oo Dollar, waxaana heshiiskan uu yahay mid wax badan ay ka faa’iideeso Soomaaliya.

Hey’adda (USAID) oo wakiil ka ah Mareykanka ayaa heshiis horumarineed  la saxiixatay dowlada Soomaaliya, Heshiiska lakala saxiixday ayaa loogu magac daray (DOAG), waxaana saxiixa heshiiskan goob joog ka ahaa Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, ku-xigeenka USAID Afrika Julie Koenen iyo  safiirka Mareykanka Martin Dale.

Heshiiska maanta kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee labada dhinac galaan mudo 30-sano kadib, waxaana heshiiskan dowlada Soomaaliya ka taageerayaan dhinacyo badan .

Waxyaabaha dowladda Soomaaliya laga taageerayo waxaa ka mid ah dowlad wanaagga, maamulka, waxbarashada, kobaca dhaqaalaha iyo howlaha lagu horumarinayo nabadda iyo xasiloonida dalka. Howlaha uu heshiiska dhigayo waxaa la fulinayaa iyada oo ay ka wada shaqeyn-doonaan dowladda federaalka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com