Daawo Sawirada: Farmaajo oo shir gudoomiyay kulan xalay ka dhacay Villa Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Shir Guddoomiyay kulan looga hadlayay arrimaha dib u eegista Dastuurka , waxa uuna kulankan ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya.

Kulanka waxaa kasoo qeyb galay Madaxda dowlada ugu sareysa, Madaxda maamul goboleedada dalka jira, iyo Xubnaha Guddiga dib u eegista Dasuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka.

Intii uu kulanka socday waxaa isbartay Madaxda maamul  Goboledyada dalka ka jira iyo Guddiyada Dib u eegista Dastuurka Somaliya ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo oo kulanka shir gudoomiyay ayaa sheegay in dowlada ahmiyad gaar ah ugu fadhiso dhameesirka dasuurka dalka, waxa uuna xusay in ay rajeenayaan in guddiga shaqo badan qabtaan si loo helo dastuur dhameestiran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Munchen Germany
Allbanaadir@live.com