Daawo Sawirada :Cristiano Ronaldo oo koobka Aduunka diyaarsaday Waardiyaal gaar ah !! 

4952

Xiddiga Qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo oo hogaaminaya xulka dalkiisa ee ka qeyb galaya koobka Aduunka ayaa soo diyaarsaday rag waardiyeeya oo uu lacag fara badan kula soo heshiiyay .

Warbaahinta Caalamka ayaa si weyn uga hadashay Cristiano Ronaldo oo soo kireestay Mr.Nuno Marecos oo la dagaalama Dibiyada iyo Goncalo Salgado oo isna caan ku ah Ciyaarta tartanka feerka MMA .

Laacibkaan ayaa isku haleen waayay ciidamada tababaran ee loogu diyaariyay gudaha dalka Ruushka oo xili caareedkaan lagu qaban doono koobka Aduunka . Xulka Portugal ayaa World Cup 2018 waxeey isku Group yihiin dalalka Spain , Marooko iyo Iiraan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Munchen Germany
Allbanaadir@live.com