Ciyaaryahan Shil galay oo isku bedelay Ganacsade Weyn (Daawo Sawirada)

165

Greg Cox waxa uu kamid ahaa Ciyaartowda dheesha Ciyaarta hardanka ee loo yaqaan Rugby, waxa uu ahaa ciyaaryahan lahaa Mustaqbal i faya doonayayna in uu meel sare ka gaaro ciyaartan.

Ciyaaryahankan ayaa galay shil xanuun badan oo soo afjaray riyadii iyo mustaqbalkii uu ka lahaa ciyaarista Rugby, waxa uuna gabi ahaan isaga tagay kooxdii uu katirsanaa kadib shilka xun uu galay.

Greg Cox ayaa shilkan niyad jabka ku riday galay sanadkii 1999-kii, waxa uuna xiligaasi jiray 18-sano, waxa uuna ciyaaryahankan waqti galiyay markii uu shilka kasoo bogsaday sidii uu nolol u abuuri lahaa nafsadiisana wax ugu qaban lahaa.

Ninkan ayaa usoo jeestay dhinaca shaqada waxa uuna mar walbo isku dayay in uu noqdo ganacsade hanti badan leh, waxa uuna ka shaqeeyay goobokala duwan uu ka sameeyay dhaqaale .

Shaqooyin badan uu galay kadib ayuu Greg Cox sanadkii 2009-kii waxa uu aas aasay shirkad xagga tiknoolajiga ah oo lagu magacaabo Quint Group oo ku fadhisa aduun lacageed oo gaaraya £42m.

Shirkada Quint Group ayaa sameesay faa’iidooyin badan, taa oo keentay in lacag badan uu ka faa’iido, waxa ay sidoo kale shirkadan yeelatay macaamiil badan oo ku kala nool dhoor wadan.

Mid ka mid ah adeegyada ay fuliso shirkadda waxaa ka mid ah in ay isku xirto dadka caadiga ah ee deymaha doonaya iyo shirkadaha deymaha bixiya, waxayna halkaas ka heshaa lacag dalaal ah.

Waxa uu sheegayaa Cox oo hada ah nin Milyaneer ah in safarka ganacsi uu galay uu ahaa mid dheer, mararka qaarkoodna uu dhibaato kala kulmay, isaga oo xitaa ku qasaaray ganacsi ceymis ah oo shirkadiisan hoos imanayay.

Greg Cox ayaa shirkada Quint Group ku leh saami dhan 90% , Waxaa shirkaddan ka shaqaysa illaa 100 qof, waxa ayna oo ka hawlgasha dhowr wadan oo kala ah Poland, Shiinaha, Koonfur Afrika, iyo Maraykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com