Cali Cumar Adeer oo lagu xukumay Xabsi Daa’in iyo Eheladiisa oo ka naxay

Maxkamad kutaala dalka Canada ayaa xukun adag ku riday Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cali Cumar Adeer oo 40-sano jir ah, kaa oo loo heesto in uu wax ka maleegay afduub Muqdisho loogu geestay Gabar Wariye ah oo lagu magacaabo Amanda Lindhout .

Dacwada loo heestay Muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa maxkamada dhageesatay mudo 10-cisho ah, waxaana ugu dambeyn Maxkamada ku riday Cali Cumar Adeer xukun xabsi daa’in ah,

Qaadiga Maxkamada ayaa sheegay in Cali Cumar Adeer lagu helay dambiyadii lagu soo eedeeyay , hasa ahaatee Mr Adeer ayaa iska beeniyay in uu dambi galay uuna afduubka gabadha Wariyaha wax ka ogaa.

Ehelada Muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa si weyn uga naxay Xukunka adag ee lagu riday wiilkooda , waxa ayna Xukunkaasi ku tilmaameen mid Cadaalad daro ah, iyaga oo sheegay in ay racfaan ka qaadan doonaan.

Wariye Amanda Lindhout ayaa magaalada Muqdisho lagu afduubtay 9-sano kahor, waxaana gabadhan afduub ahaan loo heestay hal sano iyo Sadex bilood, waxaana markii dambe lagu sii daayay lacag madax furasho ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com