C/raxmaan C/shakuur: “ Soomaaliya laguma maamuli karo xoog & talo ka timid koox yar” (Daawo Sawirro)

2343

Guddoomiyaha xisbiga Wadajir Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa xalay khudbad dheer ka jeediyey xaflad soo dhoweyn ah oo loogu sameeyey magaalada Johanesberg ee dalka Koonfur Afrika.

Xafladan oo ay soo camireen boqolaal ka tirsan Soomaalida dalka Koonfur afrika ayaa Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur waxa uu ka jeediyey khudbad dhinacyada taabaneysay oo la xiriirtay jihada qaldan ee ay dalka u wadaan madaxda dowlada Soomaalida xiligan hogaamisa.

“Aniga inta badan khudbooyinkayga waxaan xoogaa saaraa ilaalinta dowladnimada, waana ii kala soocan yihiin shaqsiyaadka iyo dowladnimada, maxaa yeelay dhibaatada dalkeena ka bilaabatay 28 sano ka hor waxaa u sabab u ah markaan kala garan weynay shaqsiyaadka iyo dowladnimada waxay kala yihiin, gacanteenana aan ku burburinay dalkeenii oo dhan, anagoo wax ka tabaneyna shaqsiyaad kooban” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Waxaa uu sheegay in inkastoo Soomaaliya ay haatan ku jirto xaalad soo kabasho ah ay haddana wajahabeyso caqabado la xiriira sidii qaranimo buuxda loo gaari lahaa “Soomaaliya laguma maamuli karo xoog iyo taloka timid koox yar” ayuu intaas ku daray hadalkiisa.

C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed aan xiligan lagu maamuli Karin feker qalafsan balse loo baahan yahay debecsanaan iyo dulqaad badan si kalsoonida shacabka loo xoojiyo.

Siyaasiga ayaa ka digay in awood loo adeegsado Maamulka dalka, wuxuuna xusay iney dhaawaceyso taas dedaalka dib loogu abuurayo kalsoonida shacabku ku qabaan madaxda dowlada.

Gudoomiyaha xisbiga Wadajir Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradsan dowlada ayaa maalmahan kulamo ku qabanayey dalal ka tirsan Yurub iyo Afrika, kuwaasoo uu kaga hadlayey xaalafadaha ka jira,isagoo soo dhoweyn balaaran ka helay jaaliyadaha Soomaalida ee  ku dhaqan dalalka uu booqday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com