Beesha Owsan oo Taageertay Wasiir ay ka heshay Maamulka Hirshabelle

Beesha Owsan, waxay ka mid tahay beelaha degan labada gobol ee dowlad goboleedka Hirshabeelle, sidoo kale beesha waxay mudaba u taagneyd sidii ay nidaam iyo kale danbeyn dowladnimo uga hano qaadi lahaa labadaas gobol ee Hiiraan iyo Shabellaha dhexe.

Haddaba beesha Owsan, qeybaheeda kale duwan sida; aqoonyahanka, siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka & waxgaradka, ganacsatada, haweenka iyo dhalinyarada waxay isugu yimaadeen kulan ay ku taagereyso ayna ku bogaadineysoislamarkaana ay qanacsan tahay wasiiru dowlaha ay ka heleen golaha wasiirada ee uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweyne Dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Beesha kulanka ay isugu timid, waxay isku raacday soona saartay bayaan ay ku taageerayso hab dhismeedka golaha fulinta dowlad goboleedka ee dhawaan Madaxweyne Waare ku dhawaaqay, sidoo kale waxay ugu baaqaysaa xubnaha wasiirada ee dhawaan la magacaabay inay xilka ay bulshada hirshabeelle u hayaan si daacadnimo Alle ka cabsi leh u gutaan.

Dhanka kale beesha Owsan waxay Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, Guddoonka baarlamaanka iyo maamulka guud ahaanba ugu mahadcelinayaan cadaalada iyo sinaanta ay ku hogaaminayaan dowlad goboleedka, waxayse beesha idin xasuusineysaa inay idinka sugeyso ka cadaalad falida & ka xaqsoorida xubinta inooga dhiman haweenka baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Ugu danbeynti waxay beesha u duceynaysaa dhamaan xubnaha xilalka kale duwan lagu aaminay inuu Alle ku garab siiyo gudashada xilalkooda, waxayna Alle idinkaga baryayaa inuu cadaalad iyo howlqabad hufan idin waafajiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com