Balan Qaad aan Caadi aheyn oo loo sameeyay Ciyaartoyda Galmudug (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa kulan casho sharaf ah la qaatay Ciyaartoyda maamulkiisa ku matalaya tartanka Maamul goboleedyada ee Jimcaha ka furmaya Garoonka Banaadir.

Xaaf oo la hadlay Ciyaartoyda Galmudug ku mataleysa Tartanka ayaa u sameeyay balan qaadyo waa weyn oo farxad badan galiyay Ciyaartoyda magaca maamulka Galmudug ku ciyaareysa.

Madaxweynaha Galmudug ayaa u balan qaaday Ciyaartoyda Galmudug hadii ay ku guuleestaan tartanka in uu siin doono abaal marino aan horey looga bixin Soomaaliya sida uu tilmaamay.

Waxa uu sidoo kale Xaaf u balan qaaday Ciyaar yahanka kasta oo Galmudug u ciyaaraya ee gool dhaliya in uu siin doono lacag dhan 300-Dollar halka ciyaaryahanka goolka caawiyana uu siin doono 200-Dollar.

Ciyaartoyda Galmudug ayaa uga mahad celisay Madaxweynaha balan qaadka iyo dhiiro galinta uu u sameeyay, waxa ayna sheegeen in ay dadaal badan sameyn doonaan si ay tartanka ugu guuleestaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com