Daawo Sawirada; Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada qarax saakay lagu dilay Cali Magafe

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya saakay qarax lagu dilay Taliyihii Saldhiga Dhaxe ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo Cali Ibraahim Cali ( Cali Magafe).

Sida aan Wararka ku helnay qaraxa ayaa gaarigiisa loogu xiray Cali Magafe, waxaana qaraxan uu ka dhacay dhabarka dambe ee xarunta Madaxtooyada magaalada Gaalkacyo, taliyaha ayaana u geeriyooday dhaawac culus oo qaraxa kasoo gaaray.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Mudug Aadan Nuur Qaal ayaa xaqiijiyay geerida sargaalkan katirsanaa booliiska gobolka Mudug, waxa uuna taliyaha tilmaamay in ay socdaan baaritaano ku aadan qaraxan iyo cidii ka dambeysay.

Xarakada Al Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyada qaraxan saakay lagu dilay Cali Ibraahim Cali ( Cali Magafe), oo katirsanaa saraakiisha booliiska maamul goboleedka Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com